Sababta ay ciidanka DF uga soo baxeen deegaanadii ay qabsadeen ee Hiiraan oo la shaaciyey (Dhageyso)

Maxaas (Caasimada Online) – Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa saacadihii u dambeeyey isaga baxay ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa qiray inay jiraan aagga ay dib uga soo baxeen ciidanku, isagoo ku macneeyey istiraatiijiyad ciidan.

Guddoomiye Cabdifitaax ayaa Idaacadda VOA u sheegay inay xeelad dagaal dib ugu gurteen, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku khasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen.

“Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga wareegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro,” ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Cabdifitaax ayaa sheegay in cabsi weyn aysan ka qabin in dagaalkaan uu Al-Shabaab uga guuleysto, isagoo sheegay in jabka ay gaarsiiyeen kooxda aysan ka soo kabsa doonin.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Soomaaliya iyo qabaa’ilka dega ka codasaday, inay si deg deg u xoreeyaan magaalooyinka Ceelbuur iyo Aadan-yabaal ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe oo culeyska ugu badan oo uga imaanayo reer Hiiraan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay aad uga shaqeynayaan in beesha Xawaadle ay ku diraan beelaha la deriska ah, sidaas darteedna ay codsanayaan in la xoreeyey dhulka ay fursadaas ka raadineyso kooxdu.

Hoos ka dhageyso wareysiga