Waxa ugu wanaagsan ee loogu aargudi karo Farxaan Qaroole iyo Cilmi Guure

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Taliyihii booliska gobolka Banaadir sarreeye guute Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa shalay ku dhintay miino dhulka lagu duugay, meel u dhow deegaanka Basra ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Farxaan Qaroole oo dhowr jeer ka badbaaday weeraro qorsheysan oo kaga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab, wuxuu maalmahan xoog badan geliyey in la baabi’iyo Shabaabka ku teedsan magaalada Muqdisho oo fadhiyo ciidan laga sameeyo meelaha ay kooxda kasoo abaabuli jirtay gumaadka shacabka ku nool caasimada.

Inkastoo ay tiisa shalay ku ekeyd, haddana Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole waxaa lagu ammaanay inuu ahaa geesi ay ka go’neyd inuu Soomaaliya ka dhigo meel nabad ah oo Shabaabka laga tirtiro.

Wuxuu ku suntanaa hadaf iyo daacadnimo, sida ay sheegeen askartii la shaqeysay. Geerida Farxaan Qaroole waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu xoogeystay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab meelo badanna laga saaray kooxda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid ah dadka sida adag uga hadlay geerida Farxaan Qaroole.

Farmaajo, oo isagu ahaa madaxweynihii Farxaan siiyey darajada sarreeye guuto, wuxuu sheegay inuu Farxaan Qaroole ahaa sarkaal kaalin weyn ka qaatay xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay geerida Farxaan Qaroole wuxuu sheegay inuu ahaa sarkaal waqtigiisa oo dhan geliyey sidii uu argagixisada uga sifeyn lahaa dalkiisa.

Sidoo kale waxaa ku baxay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab Nabadoon Cilmi Hagar Guure kaas oo kamid ahaa tiirarka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa maxaa loogu aargudi doonaa taliye Farxaan Qaroole iyo Nabadiin Cilmi Guure?

Maadaama ay dhinteen iyagoo raba inay Al-Shabaab dalka ka xoreeyaan aargoosi waxaa ugu filan in hadafkaas la gaaro oo Al-Shabaab dalka laga saaro, laakiin haddii dagaalka socda la sahashado oo dowladdu sideedii hore dhex kasoo noqoto, waxay ka dhigan tahay in muwaadiniintaas laba jeer la dilay, ayey leeyihiin dadka soo jeedinaya in Cilmi iyo Farxaan Qaroole loogu aargudo in dagaalka Al-Shabaab dhab laga noqdo oo kooxda lasoo afjaro si aysan shacab dambe oo Soomaaliyeed u gumaadin.

Dhowr jeer oo hore waxaa dhacday in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dagaal ku dhawaaqday, dhowr jeer markii howlgallo laga fuliyeyna dib ayaa loo soo laabtay taasi oo baalmarsan ujeedka madaxda loo doortay dalkaan amniga u ooman dhinaca kalana ballan ka baxyo ku ah kuwii u dhintay inay dalkaan ka xorreeyaan Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay Cilmi Hagar, Farxaan Qaroole iyo inta kale ee u dhimatay qadiyadaan inay aargudkooda ka dhigto inuusan joogsan dagaalku oo Al-Shabaab laga dul qaado Soomaalida.