Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay duleedka magaalada Cap Tow ee waddanka Koonfur Afrika.

Weerarka lagu dilay ganacsatadan oo labo ahaa ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Guguleti oo hoostaga Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay ka dambeeyeen dilka marxuumiinta, waxayna ku dhex dileen goobahooda ganacsi oo isku dhowaa.

AUN labada nin ayaa waxaa lagu kala nagacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana meydadkodoa meesha ka qaaday Soomaali kale.

Burcadda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxayna dhacdadaan xanuun ku reebtay ganacsatada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan halkaasi, kuwaas oo haatan wajahaya xaalad cabsi ah, kadib markii ay kordheen weerarada lagu beegsanayo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.