Maleeshiyaad hubeysan oo weeraray saldhiga Burtinle

Burtinle (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad maanta ka dhacay gudaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, kaas oo ka dhashay weerar ay maleeshiyaad beeleed hubeysan ku qaadeen saldhigga weyn ee magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay doonayeen inay soo furtaan maxaabiis ku xiraneyd saldhigga, kuwaas oo maxkamadda Burtinle ay xukun ku ridday, waxaana la sheegay in ragga weerarka qaaday ay sidoo kale diidan yihiin in maxaabiistaas oo ay isku heyb yihiin loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoogan looga dareemay magaalada oo dhan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka maanta Burtinle ka dhacay ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Badgal Ciise, halka uu ku dhaawacmay mid kale.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo la xiriira shaqaaqadaasi.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, waxaana horey loogu dilay shaqaaqo tan la mid ah taliyihii saldhigga magaalada Qardho, xilli uu waday howlgal culus, kadib markii ay isku dhaceen koox ka ganacsanesay Qamriga oo ku sugneyd gudaha magaaladaasi.