Daawo: Jeneraal Xuud oo shaaciyey inuu kusoo biirayo dagaalka Farmaajo iyo Rooble – Yuu la saftay?

Beledweyne (Caasimada Online) – Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa si adag uga hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku goodiyey in dagaalka uu ku soo biiri doono, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu isku dayo inuu fowdo geliyo dalka.

“Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaabaya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, waxaan doono ayaana sameyneynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasaaraha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta.

“Kuwa isku deyaya inay cadaaladda hor istaagaan, waxaan leeyahay afar sano ayaad nagu heyseen dhibkaan, hadaa isku daydaan inaad ra’iisul wasaaraha caburisaan, dagaalka waan soo geleynaa, garab ayaan u nahay Rooble, cid kasta oo uu bedelo ayaa bedelan, waa la dhacsanahay hogaamintiisa, Rooblow xaqa wad oo xaq-darrada diid, anagaa kugu difaaceynee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray jeneraal Xuud.

Xuud ayaa Farmaajo ugu baaqay in meesha uu isaga tago, maadaama sida uu sheegay uu fashilmay, “Inta aad Fahad Yaasiin hoosta ku wadato damac ma lihid, waa idin diidnay, namana qasbi kartaan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo