Wareysi: Xasan Sheekh oo si cajiib uga hadlay dagaalka Farmaajo iyo R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho.

“Xaaladda dowladda dhexdeeda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii mas’uuliyadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laakiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu shalay wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin.

“Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, shalay ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan wareejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri

Mar Xasan Sheekh wax laga weydiiyey sida ay la tahay in murankaan uu u saameyn karo howlaha socda ee doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in aad uu ugu walaacsan yahay sii socoshada howlaha doorashada, hadii uusan Farmaajo sidaan wax ka bedelin.

“Aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay, waa ka xumahay inay sidaan wax u dhacaan doorashadu ayadoo awalba doorasho dadban aheyd, oo dib u dhacday wax badan, hadana jawigaan si ay ugu qabsoomi karto ma garan karo, caqabada taagan hadda dhanka madaxweynaha ayey ka socotaa, anigu waxaan leeyahay Farmaajo dalkaan sidii uu shalay ugu tanaasulay ha uga leexdo, hala kala saaro dalka iyo danta shakhsiyaadka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka dhageyso wareysiga