R/Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, magacaabay mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub.