Daawo: KAMAC DUCAALE walaalkeed oo beeniyey warar laga faafiyey geerideeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cusmaan Xasan Ducaale oo ay walaalo ahaayeen marxuum Kamac Cusmaan Xasan Ducaale oo Muqdisho ku geeriyootay ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay wararka la isla dhex marayo ee sheegaya qaabka ay u dhimatay gabadhaas.

Maxamed oo muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay inuu isaga yahay qofka ugu weyn qoyska, isla markaasna uu xaqiijinayo in waxyaabaha lagu faafiyey baraha bulshada ay yihiin waxaba kama jiran.

“Dadka geerida Kamac kaga hadlay baraha bulshada kama mid ah qoyskeena, anigaa ugu horreeya qof ka hadlay, Abaayo waa geeriyootay Allaha u naxariisto, dadka ugu horreeya ee xanuunka geerideeda ay taabanayso waa anaga, waxaana idiin xaqiijinayaa in aysan Kamac u dhiman waxyaabaha la sheegay oo dhan oo kala ah inay u dhimatay dhaxal la isku heystay ama inay u dhimatay shirqool loo maleegay,” ayuu yiri Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale Maxamed ayaa sheegay inuu arkay dad sheegaya inay lacag u aruurinayaan qoyska Kamac, wuxuuna taas ku tilmaamay wax aan fiicneyn oo reerku wax lug ah uusan ku laheyn.

Maxamed ma sheegin sababta rasmiga ah oo ay u geeriyootay marxuum Kamac, balse wuxuu beeniyey kaliya wararka la isla dhex marayo baraha bulshada.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed oo qoraal ka soo saartay kiiska gabadhaas ayaa sheegtay in dhimashada Kamac ay abuurtay shaki badan, ayna baarayaan.

Kamac Ducaale waxay dhalasho labaad ka heysatay dalka Norway. Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ka warqabto in muwaadin u dhalatay dalkeeda ay ku geeriyootay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ehellada gabadha loo sheegay in wixii macluumaad ah ay kala xariiraan safaaradda Nairobi.