Daawo: Wasiir Khadiijo Diiriye oo qaylo dhaan ka muujisay arrin ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qayb-gashay kulan weyne ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda Muqdisho.

Khadiijo Diiriye ayaa si adag uga hadashay arrimaha ammaanka ee caasimada, waxayna walaac ka muujisay weerarada iyo falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Banaadir.

“Xamar dhaxal umey helin oo joogto ah waan kasoo horjeednaa iyo hoteel-baa lagu jiraa 24 saac,” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in magaalada ay gudaha usoo galeen xubno firxad ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib cadaadiska ay kala kulmeen howlgallada ka socdo gobollada.

Wasiirka Haweenka ayaa ku talisay in laga dhabeeyo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, iyaguna haween ahaan ay garab taagan yihiin.

‘Dadka waxay leeyihiin Khawaarijta Muqdisho kusoo firxadeen qorshe cad ayaana ka yaalla oo aad nagu hoggaamineysay mudane Ra’iisul wasaare,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan doorkooda, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

“Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay u istaagi doonaan qabashada firxadkaas kooxaha Khawaarijta,” ayey markale tiri Wasiir Khadiijo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay kordheen falalka ammaan dari ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxayna kusoo beegmeen xilli Al-Shabaab lagu jebiyay dagaallada ka socdo gobollada.