AL-SHABAAB oo la yimid qorshe qabiileysan oo ay ku soo dhex galaan shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabab ayaa bilowday qaab cusub oo ay ku dhex galeyso bulshada, qaabkan waxa uu huwan yahay magac qabiil.

Kooxda ayaa dad ay rabto inay fuliyaan shaqooyin sida inay xog keenaan, canshuurta usii aruuriyaan, qaraxyo fuliyaan ama dilal abaabul iyo in mustaqbalka gabaad u noqdaan fikradooda waxay kusoo dhex daayeen goobihii laga qabsaday.

Dadkan ayaa waxay isku dhiibayaan qabiiladooda, qaar waxay sheegayaan in fikirkii ka tanaasuleen, qaarna inay markii hore kooxda ugu biireen inay danaha qabiilka difaacaan.

Fikradan cusub oo Al-Shabaab ay hindistay ayaa deegaanada qaar ka hirgeshay, ayada oo odayaasha qaar ay rag shabaab ah sheegeen inay kooxda u direen oo Beesha iyo Kooxda ay xarig u ahaayeen, si aan loo dulmin beeshaas.

Inkasta oo aysan jirin qabiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday dulmiga Al-Shabaab, haddana illo sirdoon ayaa ku waramaya in fikirkaan uu yahay mid kooxda Al-Shabaab ugu tala-gashay inay dib ugu dhibaateyso deegaanadii laga saaray.

Dadkaan soo laabtay ee beeluhu ku hagoogteen lama marin hubin dowladeed, waxaana meelaha qaar toos loogu dhex daayay magaalooyinka, taasi oo keentay ama keeni karta dhibaatooyin hor leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii si adag uga hadlay fikirkaan cusub ee Al-Shabaab ay rabto inay markale ku dhibaateyso ciidanka dowladda iyo bulshada hogaamineysa kacdoonka.

“Warar badan ayaa isoo gaaraya oo deegaanada qaarkood dadkii Shabaabka ka tirsana ama qoryaha qaatay ee u adeegayay Shabaab inta uu hadda yimid uu yiraahda Shabaab ayaa dadka ka xigay oo dadka ka ilaalinayay, qabiilkiina uu yiraahdo halaga leexdo iyo anaga u dirnay,” ayuu yiri.

“Meel la isku diro meeshaas kuma oolin, orod dadka Soomaaliyeed soo laay ama sidii loo leyn lahaa soo fudeydi qof loo diro karay majirin iyo qof loogu cudur-daarayo majiro. Allaha ka keeno ayaa leeyahay dadka iyo qabaa’ilka leh anaga shalay dadkaan u dirnay Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leynayay oo gumaadayay, meesha meel dad loo diro kuma oolin, dadka in uu wax kasoo laayo ayaa u dirtay sow maaha.”

“Ninkasta oo kamid ahaa calamkii Shabaab ee dalka ka socda, Shabaab waaye, waa kasoo noqday oo ka tanasulay afkaartii dhibka badneyd aan isla ogaano ee in uu ku dhex fadhiyo oo telefoonkii uu idinla daba taagan oo adigana reer hebel aad tiraahdo cudur daar malaha.”