Daawo: Korneyl Nuur Dheere ‘oo raali-geliyey’ Guudlaawe

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxtooyada HirShabeelle ayaa sheegtay in Korneyl Nuur Dheer oo ka mid ahaa saraakiishii sida weyn u macaaradsanaa maamulka HirShabelle uu maanta raali-geliyey madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Korneyl Nuur Dheer, xildhibaano iyo saraakiil kale.

“Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda HirShabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada HirShabeelle.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Guudlaawe uu isna bogaadiyay imaanshaha uu u yimid Korneyl Nuur Dheere, islamarkaana uu aqbalay raali galintiisa.

“Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto,” ayey tiri madaxtooyada HirShabeelle.

Korneyl Nuur Dheere ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamisa kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan, wuxuuna dhowr jeer isaga oo wata ciidamo badan qabsaday magalaada Beledweyne, isaga oo kasoo horjeeda in Guudlaawe uu yimaado magaalada.

Si kastaba Guudlaawe ayaa ugu dambeyn xoog lagu geeyey magaalada kadib markii Villa Somalia ay magaalada gaysay ciidamo laga qaaday Muqdisho oo muquuniyey xoogaggii magaalada ku sugnaa ee kasoo horjeeday maamulka HirShabelle.