Daawo: Kulane iyo Biixi oo la sheegay inay ka dambeeyeen dhacdadii Gedo ee Talaadadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in gobolkaas ay weli ka jirto dhibaatadii maamul oo ay gelisay dowladdii Farmaajo.

Guddoomiye Al-Qaadi ayaa sheegay in dadka reer Gedo ay weli dhibane u yihiin Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo weli ka arrimiya gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Qaadi ayaa intaas ku daray in labadaas nin ay hadda hor istaageen duullimaadyadii gobolkaas, “Dad shacab ah oo rabay inay ka baxaan Muqdisho ayaa laga hor istaagay shalay, waana ka xunahay waxa weli ka socda gobolka Gedo,” ayuu yiri Alqaadi.

Al-Qaadi ayaa tixraacayey diyaarad siday shacab oo Talaadadii loo diiday inay ka degto degmada Luuq, sababo la xiriira inuu saarnaa Guddoomiyihii degmada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub, wuxuuna Al-Qaadi ku eedeeyey Kulane iyo Biixi inay ka dambeeyeen dhacdadaas.

Maxamed Gar-dhuub ayaa Talaadadii markii ugu horeysay u safray gobolkaas, kadib isbedelkii ka dhacay dalka, balse raga hadda maamula gobolkaas ayaa diyaaradda ku wargeliyey in guddoomiye Gar-dhuub aysan Muqdisho ka soo qaadi karin.

Al-Qaadi wuxuu nasiib darro ku tilmaamay isbedelka dalka ka dhacay in uusan weli gaarin gobolka Gedo, oo dhibaatadii maamul ee dowladii Farmaajo ay abuurtay ay weli ka taagan tahay.

“Gedo maanta waxay mareysaa in duulimaadyadii oo dhan laga xiro, mana u dul qaada karno in Biixi iyo Kulane ay sii dhibaateeyaan dadka reer Gedo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Al-Qaadi ayaa fariin u diray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ugu baaqay dadkiisa reer Gedo uu dhibaatada ka dul qaado oo maamulkoodii uu u soo celiyo.

Hoos ka daawo