Dowladda Xasan Sheekh oo heshay taageero deg deg oo ah 100 milyan oo dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson oo la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacisay in Bangiga Adduunka uu dowladda ku taageerayo 100 Milyan oo dollar.

Kulanka Xasan iyo Kristina ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan.

Marwo Kristina ayaa sheegtay in lacagtaan uu Bangiga Adduunka ku taageerayo 12-ka billod ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Sidoo kale waxay ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadida adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Bangiga Adduunka ugu baaqay in uu kala shaqeeyo dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Ffederaalka.