Faallo: Xildhibaan Gobsan waa in lagu ciqaabaa gefka ay ka gashay qaranka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sababaha ay Soomaalida dhibaatada uga bixi la’dahay waxaa ugu weyn isla xisaabtan la’aanta iyo kuwa dambiyada gala oo aan la marsiin ciqaabta ay mudan yihiin.

Is-hilmaamsiintaas waxay keentay in damabiileyaasha ay ku celceliyaan gaboodfallada, kuwa kalena ay albaabada ugu furaan inay kusoo biiraan, maadaama aan lagu ciqaabin xadgudubyadii hore.

Waxay hadda mareysaa in xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo ku dhaaratay ilaalinta midnimada qaranka uu meel fagaare ah lasoo istaagto; in qeyb ka mid ah dalka ay u aqoonsan tahay dal kale oo madax banaan.

Arrinta yaabka leh ayaa ah; in haddii hadallo noocaas ah ay kasoo yeeri lahaayeen shisheeye ay Soomaalida oo idil wada kici laheyd, ayada oo xaqiiqda ay tahay in hadalka shisheeyaha uu ka dhaawac iyo halis badan yahay midka qofkii lagu aaminay xilka qaranka.

Talaadadii markii uu safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ka baxay kulankii diblomaasiyadda ee madaxweyne Uhuru Kenyatta sababo la xiriiray in la keenay calanka Somaliland, laguna casuumay wakiilka Somaliland, waxa uu baraha bulshada Soomaalida ka noqday halyey; balse shalay oo wax ka darran ay dhaceen, xaaladduu waa iska caadi. 

Maxaa dhacay shalay? 

Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland, ayaa xarunta Golaha ka sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, oo ay tahay in sidaas lagu ixtiraamo.

Xildhibaanada ayaa ku dooday in illaa inta natiijo la isla qaato laga gaarayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland in lagu ixtiraamo Somaliland jiritaankeeda iyo madax-banaanideeda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Somaliland waa dal madax-banaan oo gooni u istaagay illaa inta arrintooda iyo waxyaabaha ay tabanayaan miiska la keenayo in halkooda lagu hayo oo lagu ixtiraamo,” ayey tiri Gobsan.

Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabadii ay qaaday Kenya ee aheyd in kulankii Uhuru Kenyatta kasoo wada muuqdan calanka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay mid la isaga hor keenayo labada dhinac.

Xadgudub datsuuri ah

Xildhibaan Gobsan waxay ku kacday khiyaano qaran, waxayna si cad u jebisay dastuurka dalka, waxayna meel weyn uga dhacday madax-banaanida iyo midnimada qaranka, ayada oo dal u aqoonsatay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Qodobka 7aad ee dastuurka Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ku qoran qodobada soo socda: 

(1) Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo. 

(2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo. 

(3) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah. 

(4) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya. (5) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: (a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed; (b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti; (c) Galbeed: Itoobiyia; (d) Koonfur Galbeed: Kenya; (e) Bari: Badweynta Hindiya. 

Maxay tahay in Gobsan lagu sameeyo?

Xildhibaan Gobsan waa in golaha shacabka looga yeeraa oo fursad loo siiyaa inay cudurdaar iyo raali-gelin ka bixiso hadalka gefka ah ee ay ka hor sheegtay golaha.

Haddii aaney meel fagaare ka bixin cudurdaar, oo aanay qaranka Soomaaliyeed raali-gelin ka siin gefka ka dhacay, waa in lagu qaadaa dembiga ay gashay ee ah inay Soomaaliya kala goysey, lagana xayuubiyaa xildhibaannimada.

Ma jirto sabab qof diidan midnimada dalka uu xildhibaan federaal usii ahaado. Haddii ay gabadhan u aqoonsan tahay Somaliland inay tahay dal iyo qaran madax banaan, ha iska casisho xubunnimada xildhibaan oo ha tagto Hargeysa, kuna biirto golaha wakiilada Somaliland. 

Haddii aan sidaas la sameyn, waxaa dhici doonta inay xildhibaanno noo sii ahaadaan kuwa badan oo ayada la mid ah oo dowlado ama dhinacyo kale u shaqeynaya.

Ma jirto sabab loogu caroodo Kenya iyo Uhuru ayadoo kuwa ka daran ay xildhibaano yihiin.