Daawo: Madaale oo hal ciidan ku amaanay amniga ay heleen dadka reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa aad u amaanay ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo uu sheegay inay nabad ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in bishii Ramadaan ay nabad heleen dadka reer  Muqdisho, iyadoo laga hor tegay weerarradii Shabaab iyo ciyaal weeradii.

“Ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda ee boolis militaar oo madaxweynuhu uu amray inay amniga caasimadda sugaan, waxay suurta geliyeen in si nabad ah ay dadka reer Muqdisho u soomaan, una cibaadeystaan,” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dad badan oo masaajidda ka quustay inay ku cibaadeystaan ay Ramadaankii dhamaaday u suurta gashay inay masaajidda ku soo cibaadeystaan, taasna ay suurta geliyeen ciidanka cusub ee amniga caasimadda la wareegay.

“Ciyaal Weero, Khawaarijtii iyo Tuugadii dhamaan waala xakameeyay, waana ku mahadsan yihiin ciidankii lagu soo tababaray Uganda, anaguna waan kala shaqeyn doonaa sugidda amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Ciidanka cusub ee boolis militaarka ayaa si xoog leh uga howlgala degmooyinka dhaca daafaha Muqdisho, iyagoo halkaas ku baacsada kooxaha ciyaal weerada oo u badan degmooyinka hareeraha xiga.

Sidoo kale ciidanku waxay ka hor tagaan in Muqdisho la soo geliyo gaadiid lagu soo raray waxyaabaha qarxa, inta badan qaraxyadii ka dhici jiray caasimadda waxaa la sheegay in lagu soo farsamey jiray gobollada.

Degmooyinka Kaaraan, Wadajir, Dhakenley, Kaxda, Deyniile, Heliwaa iyo kuwo kale oo ciyaal weeradda iyo tuugadu ay ku badnaayeen ayaa la geeyey ciidanka cusub ee boolis militaarka ah, waxaana lagu amaanay sida deg degga ah oo ay wax uga bedeleen amni xumadii ka jirtay caasimadda Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka guddoomiyaha