Jeneral Tareedisho oo XOG ka bixiyay weerarkii Masagawaa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jeneral Axmed Maxamed Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ka fulisay deegaanka Masagawaa ee gobolkaasi.

Tareedisho ayaa marka hore xog ka bixiyay sida u u dhacay weerarka, wuxuuna tilmaamay inay ka hortageen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

“Dagaal ayay soo qaadeen, balse waa laga war helay saas ayaana looga hortagay, ayaga oo meel dhexe socda dagaalka sidaas ayuu u dhacay, waana laga adkaaday” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka loo dilay saddex oday dhaqameed oo ay Al-Shabaab ku dileen weerarka ay ka fuliyeen Masagawaa, wuxuuna taliyaha tilmaamay in odayaashaas ay qayb ka ahaayeen howlgallada xoreynta, isla-markaana ay la dagaalamayeen Shabaab.

“Odayaal dhaqameedka hadda ma ahayn odayaal dhaqamees waxay ahaayeen dad shacabkooda la safan oo qoryahooda wata, isla-markaana Khawaarijta la diriraayo oo dhufeyska dhinacooda uga jiro. Saddex ayaa meesha ku dhimatay oo kamid ahaa raggii aagga ka dagaalamaayay” ayuu sii raaciyay.

Jeneral Maxamed Axmed Tareedisho oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in 18 kamid ah Al-Shabaab ay ku dileen dagaalka dhex maray labada dhinax, isla-markaana ay dhankooda ka dhinteen illaa 4 qof, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankeeda Al-Shabaab ayaa iyaduna guul weyn ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in saacado kooban ay qabsatay deegaanka, sidoo kalena ay khasaare culus gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

“18 ayaa xaqiijinay hadda waxa ka dhintay dhankaan kalena raggii meesha dagaalamayay waxaa ka dhintay saddex oday iyo hal wiil oo dhalinyaro ahaa” ayuu mar kale yiri Jeneralku.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.