Maamulka masjidka Cali Jimcaale oo ka hadlay ‘dhacdadii fajicisada noqotay’ ee shalay ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdo fajiciso ku noqotay dad badan, taasi oo uu maamulka masjidka ku tilmaamay wax laga xumaado.

Maamulka masjidka oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu dhacdadii shalay ee ragga iyo dumarka isku dhex-galeen intii lagu jiray salaadda Ciidul-Fidriga ku sheegay “munkar ku dhacay si aan ku tala-gal aheyn.”

Arrintan ayuu sheegay maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale inay ku dhacday kadib markii masjidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho, ayna meesha ka baxday hab nidaamintii saxda aheyd ee masjidka.

“Waxaa la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo. In ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii salaadda lagu jiray waa fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka,” ayuu yiri maamulka masjidka oo sheegay inuu ka xun yahay wixii shalay ka dhacay masaajidka intii lagu guda-jiray salaaddii Ciidul-Fidriga.

Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qul-qulka dadka oo shalay aad u badna.

“Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ahayd awood sheegasho. Waxaa ka baqnay xataa in wax intaas kasii daran dhacaan. Waxaaba ka baqnay in dad isbuurasho ku dhintaan.”

Dhacdadan oo si weyn uga fal-celiyeen bulshada, ayaa waxay timid kadib markii qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, taasi oo maamulka masjidka uu sheegay inay ku dhacday qaab aan ku talo-gal ahayn iyo nidaam xumo timid kadib markii masaajidka uu buux dhaafay intii lagu guda-jiray salaada ciidda.

Si kastaba, Arrintaan ayaa waxay noqoneysa markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya ay ka dhacdo in masjid dhexdiisa ay rag iyo dumar is dhex-galaan xilli salaad lagu jiro.