Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.
Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsay gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Laylo Calaawi, waxaana lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar oo ku taalla halkaas oo uu sidoo kale u dhowyahay koontarool ay leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa qiray in qaraxaas uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalahooda, balse ma caddeyn tiradooda.
Runtii waan ka tacsiyeynaa maanta qaraxii yarka ahaa oo dhacay waxna ay ku dhaawacmeen, waxna ay ku shahiideen” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Madaale ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uusan sameyn doonin shaqadooda, ayna horay usii wadi doonaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Taas waxba nagama beddeleyso maxaa yeelay waxa aan usocono ayaa ka weyn” ayuu mar kale yiri duqa magaalada Muqdisho.
Horay afhayeenka ayaa u sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa.
“Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay sidan oo kale qaraxyo ula kulmay, kuwaas oo uu khasaare kasoo gaaray shaqaale ka tirsan gobolka, waxaana weerarada qaarkood toos lagu qaaday xarunta dowladda hoose oo ay dhowr jeer ka dhex dagaalameen Al-Shabaab.