Jeneraal Sheegow oo soo hadlay: Waxaa la’igu haystaa sidee ku raadineysaa….?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya ayaa soo hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii lagu soo qabtay dagaalkii saacadaha badan qaatay ee 19-kii bishan ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Dharkenley.

Codkan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa ah mid uu si qarsoodi ah usoo duubay Jeneraalka, wuxuuna si gaar ah ugula hadlay beeshiisa, gaar ahaan jaaliyadda ku sugan dalka Mareykanka, sida laga dheehan kario farriinta codka ah ee uu soo duubay.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay xaaladdiisa, isla-markaana uusan qabin wax dhibaato ah,  balse wuxuu tilmaamay in loo heysto xaqa ka maqan beesha ee uu raadinayo.

“Waxaan idin sheegayaa aniga caafimaadkeyga waa taam, wax dhibaato ah ma jiraan, tan kale waxa aan u socdo waa dadaal iyo xuquuqda naga maqan, sidee ku raadineysaa? ayuu dagaalkan ku socdaa wax kale oo dhibaato ah ma laha” ayuu yiri Jeneraal Sheegow Axmed.

Sheegow ayaa intaas ku sii daray “Aniga lugta aan ka jiisaayay ee aad u jeedeen hadda kahor dhaawac ayaa ku dhacay maadaama weerar culus la’iigu soo qaaday darbi aan ka boodaayay murgacasho waayay lugta, laakiin xabad kuma taallo, jugna ma qabi”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda uu ku xiran yahay xarunta CID-da, gaar ahaan qaybta ay ku jiraan agaasimeyaasha ku eedeysan musuqa ee horay loo soo xiray.

“Hadda CID ayaan  joogaa agaasimeyaashii ay dowladda soo xareysay ayaan qolalkooda ku jiraa xabsi banaanaan ahay, laakiin xornimo ayaanan heysanin” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay gurigiisa, wuxuuna sheegay inuu ku dhintay wiil uu isagu dhalay iyo mid kale oo uu adeer u yahay.

“Yar aan dhalay wuu ku dhintay, wiil kale oo aan adeer u ahay isna waa ku dhintay alla ya raxma, qaar kalena waa dhaawacan yihiin, haddana kama haraayo haddii aan bannaanka usoo baxo inaan fariisinaayo ma’aha sida aan halganka ugu istaagay waayay” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray xubnaha beesha ee ku sugan gudaha iyo dibadda, isaga oo ka dalbaday inay qaylo dhaamiyaan, si ay arrintiisa u gaarto beesha caalamka.