Daawo: Madasha Badbaado Qaran oo shir kale ka dhinac furtay shirka Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa maanta shir kale ka dhinac furatay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar uga socda teendhada Afisyooni oo ku dhex taalla xarunta Xalane.

Goobta uu ka furmay shirkan waxaa kasoo muuqday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana furitaankiisa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran.

“Maanta waxaa noo furmay shirka koowaad ee Madasha Badbaado Qaran, dalkeena dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaana mudo dheer la isku soo heystay sidii dalka loogu qaban lahaa doorasho loo dhanyahay… waxaan u bahanay inaan tashano, oo la heshiiyo, si dalka looga badbaadiyo dhibaatooyinka ku raagay, dalkeenna waxaa jira abaaro, colaado iyo cudurro, hadii dowlad loo dhanyahay aannaa dhisana dhibaatooyinkaas kama baxeyno,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha oo ay garbihiisa taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif  ayaa sheegay in shirka maanta u furmay uu socon doono illaa heshiis fulintiisa lagu dhaqaaqi karo laga gaaro doorashada dalka.

“Dalka ayey Madashani u dhalatay, waxaana ku raja weynahay, in cid kasta ay dareemi karto dhibaatada dalka ka jirta, taas ayaana feker nooga bahan sidii aan uga bixi laheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Hoos ka Daawo