Daawo: Madaxweyne Waare oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maaxmed Cabdi Waare ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland, xilli uu maanta hadal ka jeedinayey magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, insta aysan ka soo bixin.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in beelaha Hawiye ay haatan dowladnimada Soomaaliya ku metelaan isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor, balse aan lasiin mansabkii iyo tala soo jeedintii ay la haayeen.

Sidoo kale Waare waxa uu sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe intii ay ku sugnaayeen Muqdisho in la weydiiyay su’aalo badan oo aysan waxba ka khuseyn, sida doorashada, ra’iisul wasaaraha, amniga iyo nadaafada Muqdisho, intaas oo sida uu sheegay aysan iyaga waxba ka gelin.

“Hal su’aal oo ay wax ka galeen in la weydiiyana ay ku habooneyd lama weydiin nimankaas, hadii ay u warsan lahaayeen hab degaan, hab magaalo ama hab qabiil oo ay dhihi lahaayeen war 13-ka kursi ee aad madaxa uga taagantihiin ka kaca, waxbey ahaan laheyd, laakiin lama weydiin,” ayuu yiri madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay jiraan arrimo badan oo kallifay in shirkii Dhuusamareeb laga tago Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland, oo xiligaas si weyn uga hor-yimid ka qeyb-galka shirkaasi.

Wuxuuna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sifeeyay shaqsiyaad aan rabin in xal rasmi ah laga gaaro muranka baahsan ee arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray jahwareer siyaasadeed.

Sidoo kale waxa uu ku dhaleeceyay qaabkii ay u qaadaceen go’aamaddii kasoo baxay shirkii ay ka maqnaayeen ee Dhuusamareeb, xili uu sheegay inay ka madax adeygeen isku day kasta oo ay sameeyen xubnihii ku sugnaa shirkaasi.

Waxa uu sheegay intii ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb inay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen inay gogoshaas keenaan labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, balse ay u suurta geli weysay, intaas kadibna ay qaateen go’aankii lagu soo saaray war-murtiyeedka.

“Saaxiibadey markii ay yimaadeen, iyagoo intaasi dhacday, nama dhihin dhibkaasaa nagu dhacay iyo waxaasaa naga haleysnaa, laakiin kama aanaa sugeyn awelba meelahey iska taagnaayeen anagaa tii hore geynay, hadana ka maqneyn” ayuu yiri Waare.