Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay qoraalkii safaaradda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa si dadban uga jawaabtay qoraal xalay kasoo baxay Mareykanka, kaasi oo ku saabsana dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya.”

La-taliyaha amaanka qaranka Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Saciid Cali ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib u habeynta waaxda amniga loo daba fadhiisto hay’addaha dowladda, xili ay si weyn u daneynayaan dalal shisheeye oo dowladda gacan ka siiya amniga.

Cabdi Saciid ayaa u muuqda mid ka gows adeygaya fara-gelin shisheeye oo gacan weyn ku yeelata dib u habeynta amniga, iyada oo muddooyinkii dambe ay soo baxeysay habacsanaan balaadhan oo dhanka ammaanka ah.

La-taliyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in saaxiibada beesha caalamku ay qeyb weyn ka qaateen horu u socoshada dalka, balse ay tahay in laga talo-geliyo hay’addaha dowladda, isla markaana ay kaalin mug leh ka qaatan dejinta iyo hirgelinta dib u habeyntaasi.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee saaxiibadda beesha caalamka, oo aan rumeysanahay inay kaalin ka qaadaynaysa horey u socoshada” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wuxuuna intaas kusii daray: “Hay’adaha Soomaaliya waa in laga talo-geliyaa, si muuqatana ugu lug lahaadaan dejinta iyo hirgelinta dib u habeynta amniga”.

Hadalka Cabdi Saciid ayaa kusoo aadaya xili ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo bulshada Soomaalida.

Cabdi Saciid marna ma soo hadal qaadin arrinta musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka ee ay ka dhawaajisay safaarada Mareykanka oo ay sheegtay inay dhaawac weyn u geysanayaan horumarka Isbedellada ee Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalka Mareykanka uu la xiriiro shaqo ka joojin uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage uu ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, taasi oo Mareykanka uu ka xumaaday.

Ma cadda sababta shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee dhawaanahaanba taliska xoogga dalka ayaa sameeyay is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka “ee aan la isku hubin”, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg yahay.

Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu ka xumaaday shaqo joojinta Gaashaanle Ismaaciil, oo dalka Mareykanka wax kusoo bartay, sidoo kalena shaqo wanaagsan ka qabtay hoggaanka ciidamada Danab.

Dowladda federaalka ayaa dhowr jeer oo hore si adag uga digtay faro-gelinta dalalka kaalmaha siiya Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe rabay inay galaangal xoogan ku yeeshan arrimaha dalka.