Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro madaafiic ah oo loo malaynayo inay yihiin hoobiyeyaal ayaa caawa lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaafiicdan oo billowday dhowr daqiiqo ka hor ayaa waxaa illaa iyo hadda la maqlay ku dhowaad 10 ka mid ah, waxayna ku dhaceen agagaarka madaxtooyada iyo qaar ka mid ah degmooyinka ku dhow.

Degmooyinka ay madaafiicda ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Wardhiigley, Xamar Jajab, Boondheere, iyo Shangaani. Waxaa sidoo kale macquul ah inay gaareen degmooyin kale balse weli lama xaqiijin.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku beeniyey inay madaafiic ahaayeen dhowaqyada la maqlay.

11/Sep/2020, abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad, Iyagoo Baaruud dheemish ah oo ay Bacyo kusoo qariyeen dhigay Xaafado Magaalada Muqdisho ka tirsan, Kuwaas oo lahaa dhawaaqa Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare dhimasho ama dhaawac ah,” ayuu yiri.

Madaxtooyada ayaa waxaa maanta kulan qado ah ku yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka, mana cadda in ujeedka madaafiicdan uu ahaa in lagu beegsado.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.