Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin culus u diray dadka la jooga Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan kooxda Al-Shabaab, kadib shir jaraa’id oo galabta uu qabtay markii uu soo idlaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo garbihiisa ay taagnaayeen madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa si qota dheer uga hadlay qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, isagoo dhan kasta ka tusaaleeyey sida looga baaqsan karo khatar soo wajahda shacabka aan waxaba galabsan.

“Waxaa socda dagaal lagu soo celinayo xorriyadda, dadnimadeena, laguna difaacayo diinta oo dowladdu aysan u kala hari doonin, waa naga go’antahay in Al-Shabaab aan ka xoreyno dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in macaluusha laga cabsi qabo inay dalka ka dilaacdo aan laga hor tegi karin ilaa la ciribtiro Al-Shabaab, isal markaana dowladda oo taas ka duulaysa ay qaada doonto masuuliyad dhan ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay ka fogaadaan meesha Al-Shabaab joogo, nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida ay hadaf uga dhigteen dilka dadka Soomaaliyeed, yaan agtooda lagu dhiman, ka fogaada goob kasta oo Al-Shabaab ay joogaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, inay bilaaba doonaan duqeymo iyo weerarro culus oo kooxda lagu qaadi doono, “Maxkamadahooda beenta ah yaan la tegin, meelaha ay dhahaan dadka ayaan ku wacdineynaa yaan la aadin, wacdigooda waa mid qaldan, qof Al-Shabaab ah meeshii uu yimaado tartiib ha looga dhaqaaqo,” ayuu yiri xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cudur-daar loo samey karo kaliya qofkii u xiran kooxda, balse qof kale oo ku sugan goob Al-Shabaab joogo uu isagu naftiisa haligay, hadii ay wax soo gaaraan.

Hoos ka daawo