Mareykanka oo cabiray waxa uu horseedi karo kacdoonka ku wajahan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa taageertay kacdoonka shacabka gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kadib qoraal goor dhow ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka Mareykanka waxaa lagu cadeeyey in ay safaaraddu ka war qabto in Al-Shabaab ay si xun ula dhaqmeen shacabka Hiiraan, kadibna ay kacdoon sameeyeen.

Sidoo kale qoraalka Mareykanka waxaa lagu muujiyey rajo ah in nabadii Soomaaliya ay soo celi karaan kacdoonada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka curtay.

“Markii dadka reer Hiiraan ay kaceen oo dib ula soo noqdeen deegaanadooda, Al-Shabaab waxay burburiyeen guryo, goobo ganacsi, iyo ceelal riig ah markii ay carareen. Shacabka Soomaaliyeed oo ay taageerayaan ciidamada maxalliga ah & kuwa federaalka, waxay soo noolay doonaan oo ay Soomaaliya ka xoray doonaan burburkii ay sababeen rabshadaha xagjirka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Kacdoon culus oo muujinaya rajada Al-Shabaab 15 sano kadib laga adkaado ayaa ka curtay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo Al-Shabaab ay ku xooganaayeen markii hore.

Gobolka Hiiraan ayaa fure u ahaa kacdoonkaan, waxaana xusid mudan in deegaano badan oo gobolkaas ka tirsan ay ka baxeen gacanta Al-Shabaab oo hadda dadkii u dhashay ay maamulaan, sidoo kale Galgaduud iyo Bay ayaa la xaqiijiyey in kooxda laga qabsaday deegaano ay horay u joogtay.