Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo walaac ka muujiyey nolosha adag ee soo wajahday malaayiin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masaajid ku dhex yaalla madaxtooyada salaadii Jimcada ee maanta kadib ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan kuwooda la dhibaateysan abaaraha gobollada dalka ka jira.

“Abaartu walaalayaal waa sii adkaatay, heerkii aan cabsida badan ka qabnay ee macaluusha ayey ku dhowdahay hadda, dhimasho ayaa dadka ku bilaabatay, xoolihiina horay ayey u dhamaadeen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka wax heysta ka codsaday inay sii laba jibaaraan dadaaladooda caawinta danyarta, “Sax maaha in dadka qaar ay dhereg la seexa waayaan, qaarna baahi u dhintaan, waa la is weydiinayaa xaaladaan adag,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in maanta ay xaaladu joogto meel aad u adag, “Caruurta iyo waayeelkaa ugu daran, dadku waa dhimanayaan, waxaan idinka codsanayaan inaan ku noqono jeebkeena, si aan naf u badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay qiimaha ay leedahay in naf la badbaadiyo iyo sida uu Alle u weyneeyey, balan qaadka uu Alle ka heysto qofkii naf badbaadiya.

Hoos ka daawo