Itoobiya oo ku dhawaaqday inay dishay Fu’aad Shongole, Abu Muscab iyo Cubeyda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalka ka socda dhulka Soomaali Galbeed lagu dilay seddax hoggaamiye oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay Itoobiya.

Saraakiisha ay Itoobiya shaacisay in laga dilay Al-Shabaab ayaa kala ah:

1 – Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ahaa Madaxii abaabulka iyo tashkiilinta Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiin dollar.

2 – Cabdicasiis Abuu Muscab oo ahaa afhayeenkii howlgallada ee kooxda Al-Shabaab.

3 – Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu ahaa madixii Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency oo soo xiganeysa madaxda sirdoonka dowladda federaalka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa baahisay warkaan lagu shaaciyey geerida sedaxdaan hogaamiye.

Sidoo kale warkaan ka soo baxay madaxa sirdoonka Itoobiya waxaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay burburiyeen bakhaaradii uu ku keysanaa hubka ay kooxda Al-Shabaab u diyaarisay inay weerarto wadanka Itoobiya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole oo ka mid ah ragga geeridooda la shaaciyey ayaa dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab wuxuu kula hadlay xuduuda, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Warkaan ay baahisay warbaahinta Itoobiya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta ay Al-Shabaab sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen magaalada Aato ay ku dileen in ka badan 150 askari oo ciidamada Liyuu Boolis ah, waxaana warbaahinta kooxda lagu soo bandhigay sawirrada meydad badan.