Daawo: Mareykanka oo soo bandhigay muuqaalka howl-galkii lagu dilay Al-Baqdaadi

New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaal muujinayo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi.

Militariga Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro iyo Muuqaal muujinayo duqeyntii lagu qaaday gurigii uu daganaa Abukar Al-Baqdaadi oo uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay adduun lacageed oo gaarayo ilaa 25 Malyan oo lacagta Marekanka ah.

Muuqaalka ayaa muujinayo Ciidamada Mareykanka oo rasaas la dhacayo guriga uu daganaa Al-Baqdaadi kadibna waxaa la arkayaa duqeyn culus oo lala beegsaday taasoo keentay inuu burburo dhammaan gurigii uu daganaa Al-Baqdaadi.

Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka, General Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday ka dib markii la soo daad gureeyay dhammaan Ciidamadii la qeyb qaadanayey weerarkii lagu beegsaday Hoggaamiyihii Kooxda Daacish.

McKenzie wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Trump ee ah in hogaamiyaha Isis uu qaylinayey daqiiqado ka hor dhimashadiisa.

Wuxuu sheegay in la aruuriyey haraadigii meydka Baqdaadi  kadib markii uu isku qarxiyay god dhexdiisa, halkaas oo uu ku dilay laba caruur ah oo uu watay isla markaasna lagu aasay badda dhexdeeda. McKenzie wuxuu sheegay in warbixinnada bilowga ah ay sheegeen saddex carruur ah, laakiin baaritaanadii dambe waxay muujisay laba. Labaduba waxay da’doodu ka yartahay 12 sano, ayuu yiri.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com