Sheekh Shariif: Ciidan ajnabi ah ayaa la rabaa in Axmed Madoobe lagu soo qabto

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa shaaciyey qorsho ay Dowladda Soomaaliya la damacsaneyd Madaweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shiikh Shariif ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya damacsantahay isla markaasna ay tijaabisay in Axmed Madoobe lasoo qabto xarigiisana loo adeegsado ciidamo Ajnabi ah sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya isku daygaas sameysay ka hor inta aysan dhicin doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale xilka madaxweynimo ee Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay fashilmatay isla markaasna ay suurtageli weysay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qorshahaas iyo Ciidamada Ajnabiga ah la adeegsan rabay iyadoo la rumeysan yahay inuu ula jeeday Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

“Howsha intaas way kasii dheer tahay, aniga waxaan rabaa in aan aad u cadaado, mala socotiin in ciidamo ajnabi ah la rabo in lagu soo qabto Axmed Madoobe? mala socotiin hadda k ahor markii ay doorashada dhaceysay”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii ay arrintaas dhici laheyd ay keeni laheyd dagaal qabiil oo dib kaga bilowdo Soomaaliya taasoo socon laheyd muddo 100 sano ah sida uu hadalka u dhigay.

” Arrintaas hadii ay dhici lahayd maxaa dhici lahaa? dagaal qabiil oo aan waligiis dhamaan oo boqol jirsada ayaa dhici lahaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaradka aysan ka aamusi karin waxyaabaha iyo qaladaad kale oo ay sameysay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ma idin la tahay in aan ka aamusi karno, kama aamusi karno,” ayuu sii raaciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com