Daawo: Mas’uuliyiin ku hadaf ah Al-Shabaab oo loo digay

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay in lagu kadsoomo masuuliyiin qaar oo kooxda Al-Shabaab ku hadaf ah, kuwaasi oo dagaal culus uu uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

“Nin ku eg oo adiga kula jooga oo xaafadaha caadiga ah kula jooga ama masuuliyad waxa uu rabo ha haayo iyo nin duurka ku jira oo Khawaarij ah, oo isku hadaf ah waaye, markaas waa in shacabka Soomaaliyeed aysan ku kadsoomin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana uusan waxba iska baddelin go’aankii hore loogu bilaabay dagaalka, sidaas darteedna ay tahay bulshada meel uga soo wada jeesato kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dagaal ayaa lagu jira marka dagaal lagu jirana waa iska dhib badan oo baro-bogaando badan yahay, waxaa rabnaa in ay kadsoomin, siddeed billood kahor wadaddii aan ku taagneyn aan ku taaganahay, haddii maalin xabad dhicin maalinta labaad ayaa xabad socota, haddii maalin askari naga shahiideyn mid ayaa naga dhaawacmaya,  yeysan ka gorgortamin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxa dhiiggaas, sharafkaas iyo maalkaas loo bixinayo yeysan ka gorgortamin, yeysan qolo kale u adeegsan baro-bogaando, oo yaa loo fahmin in qaddiyada shaqsi leeyahay ama madaxweyne leeyahay ama wasiir leeyahay, qaddiyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa iska leh oo Khawaarij lagula diriraayo.”

Wasiir Jaamac oo hadalkaan ka sheegay khudbad uu shalay ujeedinayay ciidamo cusub oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kuwa  baro-bogaadada ku wada gulufka socda iyo Shabaab uusan wax farqi ah u dhaxeyn.

“Kan na dilaya oo na qarxinaya waa Soomaali, kan biyo ku shubaya in lala dagaalamo Khawaarijta ee dulminaya qabaa’iilada ku jira dagaalka oo hagarsanaya oo beenta u sheegayo oo wiilasha Soomaaliyeed ee dhimanaya baro-bogaanaya wuu la mid yahay wax badan nooma dhaamo.”

Hoos ka daawo