Daawo: Maxamuud Sayid oo si aan horey u dhicin ugu garnaqsaday FARMAAJO

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe kasta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaleysan.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, balse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dadka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaaratay ka baxsan, naga jooji, waxaan nagu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudneed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, “Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sii waday garnaqsigiisa, wuxuu Farmaajo xasuusiyey in sanadkii 2016-kii ay u codeeyeen xildhibaano uusan kuraas u soo boobin, isagoo kula taliyey in sanadkaan uu isku kalsoonaado.

“2016-kii xildhibaanadii gobolkaan codkooda ayaad ka barisay, waana ku siiyeen, adigu sooma aadan xulay, in lasoo doorto lacag kuma aadan bixin, Madaxweyne ayaad Soomaaliya ka noqotay, war maantana hadii aad musharax tahay xildhibaanada codkooda weydiiso, laakiin xoog ha isku deyin, wax aad ka faa’iideyso malahan, cadaawad iyo taariikh xumo ayaad kala kulmeysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku cataabay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhex taagnaa gobolka Gedo, isla markaana uu maanta Farmaajo ka faro maroojiyey, “War ninyahow isku xishoo, tacabka yagii oo dhan ayaad burburisay, midnimadii, horumarkii, ammaankii, garsoorkii iyo guud ahaan maamulkii dadkeyga ayaad burburisay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hoos ka daawo