Daawo: Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan faraha kasii baxaya, waxaana sii kordhaya dilalka ay shacabka u geysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dilal siyaabo kala duwan uga dhaceen caasimada, gaar ahaan agagaarka Zoobe iyo isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Haddaba Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho?

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cismaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay amniga caasimada, waxaana uu cambaareeyay dhibaatada ay geysanayaan ciidamada dowladda.

Ugu horreyn Shaatax ayaa tacsi u diray ehellada dadkii kala duwan ee dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilalkan ay yiiin kuwa lasoo qorsheeyay, isla-markaana ay ka dambeeyaan dad suurad xumeynayo amniga dalka.

“Runtii waxyaabaha dhacaayo ma’aha shilal iska dhacaayo ee waxay u muuqdaan kuwa qorsheysan oo laga dambeeyo,” ayuu yiri gudoomiye Shaatax.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa laba arrimood uu sababeeyay dilalkaan, wuxuuna sheegay in uu jiro isla xisaabtan la’aan iyo aqoon darro heysato askarta.

“Ururada bulshada rayidka ah waxa ay u arkaan dhibaatooyinka ka dhacaya dalka, gaar ahaan magaallo madaxda inay sabab u tahay isla xisaabtan la’aan ka jirta dowladda dhexdeeda iyo ciidamada amniga oo oo aan laheyn aqoon ku filan,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan, ayna kasbadaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda inay la yimaadaan siyaasad kasban karta kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan dowladnimada, taas oo horseedi karta inuu dhaco isbeddal bulsho oo dhab ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiye Shaatax.