Lix dal oo kulan ka dhacay Washington kasoo saaray go’aan ku saabsan Somalia

Washington (Caasimada Online) – Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa ku kulmay magaadal Washington DC, si ay uga wada-hadlaan ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarka iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. 

Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladda.  

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimayo. 

Waxay isku raaceen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. 

Waxay ballan qaadeen in ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto in ay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu awood ugu yeesho in uu si buuxda u qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Dalalkan ayaa waxay dhiirigeliyaan, oo ay taageeraan geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo in la ballaariyo doorarka iyo mas’uuliyadda heerarka dawladeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhammaystirka dastuurka.

Lixdan dal ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabad-joojinta, qaboojiyaan xiisadda, ogolaadaan gargaarka bani’addannimo, islamarkaana ay yeeshaan wada-hadallo nabadeed.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xasaradaha bani’aadannimo ee weli ka jira Soomaaliya, oo ka dhashay abaartii ugu xumeyd ee abid ku dhufata Soomaaliya. 

Waxay soo dhaweeyeen taageerada jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada ee mustaqbalka.

Dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa isku raacay inay sii wadaan inay ka shaqeeyaan dhinacyadan, islamarkaana ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bil ee soo socota gudahood, si ay usii wadaan wada-hadallada, islamarkaana dib ugu eegaan horumarkii la sameeyey.