Daawo: Shabaab oo dilalkii ugu badnaa ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi.

Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha.