Xasan Sheekh oo gaaray KISMAAYO iyo ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland iyo boqolaal kamid ah dadweynaha maagaladaasi.

Magaalada Kismaayo oo maanta amaankeeda aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh aya madaxtooyada Jubbaland kula shiri doona Axmed Madoobe, isaga oo kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.