Golaha Shacabka oo ansixiyay laba sharci oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay laba hindise-sharci oo muhiim ah, kuwaasi oo maalmihii dambe uu golaha si weyn uga doodayay.

Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Dhowrista Maal-gashadayaasha iyo Maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyay 145 xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta Dadweynaha, waxaana sharcigaan u codeeyay 146 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sidoo kale wax diiday ma jirin.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta dadweynaha.

Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Ugu dambeyntii ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta, iyada oo sheegtay in ay ansax-yihiin labadaasi sharci.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay.