Mareykanka iyo afar dal kale oo war culus kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada saaxiibada caalamka ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa dalbaday in dhinacyadu ay joojiyeen colaadda.

Wakiilo ka socday shantan dal oo kulan yeeshay ayaa sheegay inay aad uga walaacan xiisadda dagaal ee ka taaga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur magaalada.

Waxay ugu baaqeen in labada dhinac ee isku haya halkaasi, ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC inay u hoggaansamaan xabad-joojin, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo xiisadda taagan.

Sidoo kale waxay wakiilada ka socday Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta ay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo kobcinta awoodda dowladnimo.

“Waxay ka wada-hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar-garowga ka bixintaanka howl-galada Midowga Afrika ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyntiina dalalka shanta ah ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah iyo gargaar gaarsiinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 24-aad oo xiriir ah ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood ayaa dhowr jeer loogu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, iyada oo Somaliland ay laftigeedu ku dhawaaqday xabad-joojin, haddana majiro wax ka dhaqan-galay, waxaana sii socda dagaalka.