Daawo: Muxuu muujinayaa kulanka musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle, sida ay shaaciyeen labada dhinacba.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kulankaas ay labada masuul uga wada-hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan ay dalka uga dhici lahayd sanadkan, isla markaana Musharax Jibriil Ibraahim uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay casuumaadaas.

Sidoo kale Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta uu casuumaad ka helay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay ka wadahadleen, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorash xor iyo xalaal ah.

“Waxaan aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka wadahadalnay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla wada ogolyahay oo saamileyda guud laga tala geliyo, Soomaalida oo dhana ay ku qanacsantahay, waxaan kaloo isla soo hadal qaadnay inay lama huraan tahay in madaxda dowladdu ay fududeeyaan in in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka doorasho uga dhacdo,” ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharaxiinta sanadkan u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa muujinaya sida aragti ahaan uu musharax Jabriil uu furfuran yahay, isaga oo si wadajir ah ula kulmaya madax goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Inkasta oo Jabriil uu yahay musharax mucaarad ah, siyaas ahaanna aan raacsaneyn sida ay dowladda wax u waddo, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu aaminsan yahay in mar kasta alabaabka wada-hadalka uu furnaado.

Hoos ka Daawo