DF oo beenisay warqad la xiriirta shirkad Shiinees ah oo magaceeda lagu isticmaalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta beenisay waraaq shirkada Qaranka Shiinaha ee daawooyinka looga dalbanayey tallaalka Covid-19, taasi oo ku taariikheysan dhamaadka sanadkii hore.

Waraaqda ay beenisay wasaaradu waxaa ku saxiixan Sii-hayaha wasiirka caafimaadka, Fowziya Abuukar waxaana shirkada lagu magacaabo China National Pharmaceutical Group looga dalbanayey in tallaalka cudurka ay kala shaqeyso shirkad kale oo lag leeyahay gudaha dalka.

“Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda waxay cadaynaaysaa in documentskaan yahay mid Fake ah  waana been abuur. Cida samaysayna warqadaas been abuurka ah waxaa lala tiigsanayaa  sharciga  si loo mariyo ciqaabta ay mutaystaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Wasaaradda ee twitter-ka.

Waraaqda been-abuurka ah ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ay ogolaansho ay arrintaas ugula shaqeyso siisay shirkad lagu magacaabo SAHABA Pharmaceutical Group, midaasi oo ay xarunteedu tahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dalabka waraaqda oo si toos ah ugu socday shirkada Shiinaha ayaa waxa lagu sheegay inay muhiim tahay in tallaalka lasoo gaarsiiyo Soomaaliya, si loo bad-baadiyo shacabka, kaasi oo kusii fidaya dalka.

Waraaqdan ayaa waxaa la diyaariyey xili uu cudurka Coronavirus  si weyn ugu faafay dalka, islamarkaana uu soo ritay dad badan, taasi oo aheyd dabayaaqadii sanadkii hore.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Waraaqda oo ku taariikheysan 22-kii October 2020-ka ay Wasaaraddu beeninayso billo badan kadib, mana jirto faah-faahin dheeriya oo ay ka bixisay arrintaan.