Daawo: Muxuu yahay qorshaha shirka Kismaayo uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada?

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ka furmay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen horumarinta iyo mideynta Idaacadaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhanka fikirka.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys oo faah-faahin ka bixiyay shirkan ayaa waxa uu sheegay in la isla qaatay isku-xirka idaacada dowladda dhexe iyo maamullada, loona xil-saaray arrintaasj guddi qiimeyn ku sameeya.

“Dowladda Fedreaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa waxaa ugu tala-galnay inay diyaar u noqdaan in bulshada ay ka wacyi-galiyaan dhibaatooyinta taagan sida; arrimaha Mukhaadaraadka iyo in farriimo mid ah u gudbiyaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Waa shaqo aan filayo in billowgeedii uu guul inoogu soo billowday markii aan billownay shirarka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Waa in aan halkaas kasii ambaqaadno istiraatijiyada wada-shaqeynteena.”

Shirkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee iskugu imaadan wasiirada warfaafinta ee federaalka iyo dowlad-goboleed, ayada oo shirkii u horeeyay uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka daawo