Daawo: Xasan Sheekh oo laga dalbaday labo arrin oo la xariira dilkii xildhibaan Aamina

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa codsi u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib kulan uu kala qeyb galay beeshiisa oo Muqdisho lagu qabtay.

Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inuu baaritaan ku bilaabo kiiska dilkii Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay Beledweyne, xilli ay ka socotay doorashadii golaha shacabka.

“Hadii Xildhibaan Aamino aad u heysay wax abaal ah, maadaama ay kula shaqey jirtay, madaxweynow waxaan kaa rabnaa inaad bilowdo baaritaan, si loo ogaado cidii dishay,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan ayaa sheegay in beesha ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino ay madaxweynaha ka doonayaan inuu siiyo xuquuqdii ay xisbigiisa ku laheed xildhibaan Aamino.

“Madaxweynow waxaan kaa rabnaa in beeshaan Abti-Same ay kaa hesho in la eg xuquuqda ay heleen siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kula shaqeeya, ma dhiman Aamino ee waa dheeraatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cismaan.

Wuxuu dalbaday in maamuus qaran loo sameeyo Xildhibaan Aamino oo ugu yaraan loogu magac-darro mid ka mid ah xarumaha dowladda, “Madaxweyne Xasanow waxaan ognahay inay ku xanuujisay geerida Aamino, waxaan arkeynay inaad la ilmeysay, maanta adigaa dalka xukumee waxaan kaa rabnaa hiil,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Aamino oo ka tirsaneed xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UDP ayaa la dilay waqti xasaasi ah oo loolan doorasho lagu jiray, waxaana la tuhmayaa inay la mashimay ama la shirqoolay.

Allaha u naxariistee Aamino waxaa aad ugu doodi jirtay kiiska Ikraan Tahliil oo dalka gilgilay, ugu dambeyntiina waxaa ku baxda ayada, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ilaa hadda ma jiro baaritaan natiijo laga gaaray oo lagu sameeyey dilalkii isku ekaa ee loo geystay Xildhibaan Aamino iyo Ikraan Tahliil oo ka horeysay, labada gabdhood ayaa ka soo wada jeeday beesha Gaaljecel.

Hoos ka daawo Sheekh Cismaan