Somaliland oo digniin kama dambeys ah u dirtay Puntland kadib dagaalkii maanta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale digniin culus u dirtay maamulka Puntland, kadib dagaal xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Puntland ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta, kaasi oo si gaar ah uga dhacay aaagga xerada Goojacadde ee dulkeedka magaalada Laascaanood.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo la hadlay warbaahinta ayaa digniintan u diray maamulka Puntland, oo ku eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta, iyaga oo garab siinayay kooxaha huwanta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa digniin u direyna maamul goboleedka Puntland oo caadeystay marwalba in xadka Jamhuuriyadda Somaliland uu ku gafo oo soo gardareysto. Gacan adag ayaa lagu qaban doona oo Somaliland way ka guuleysan doonta,” ayuu yiri Wasiir Caateeye.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay caalamka ku wargelisay inay diyaar u tahay xal nabadeed iyo in weli ciidamadeeda ay dhowrayaan xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqeen.

“Bulshada caalamka waxaan u sheegayna oo ku wargelinayna inay rabaan maamulka goboleedka Puntland iyo huwanta iswadata in ay jabiyaan xabad joojintii iyo wada-hadalkii ay bulshada caalamka wadeen. Somaliland waxay ku dadaalaysa marwalba inay wado xabad-joojintii.”

Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-goboleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, iyada oo sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda.

Puntland ayaa dhankeeda iska fogeysa eedeymaha uga imaada xukuumadda Somaliland, ayada oo beenisay inay qeyb ka tahay dagaalka magaalada Laascaanood ka socda muddada ka badan halka bil.