Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiraya dalka…

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ee magaalada Kampala, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidanka qaranka Soomaaliya ay si naf hurnimo leh u wajahayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxay dhiiggooda u hurayaan xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Uganda ku sugan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinka kna tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo la wadaagaya guulaha ay dagaalka Al-Shabaab ka gaareen ciidanka qaranka ee ka dagaalamaya gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliya iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababarkii ay dowladda Uganda siisay u soo xiri doona ciidankaan ka tirsan xoogga dalka, in kastoo aan tiradooda la shaacin, hadana ciidankaas waxay dalka Uganda ku sugnaayeen ugu yaraan 3-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidamada lagu tababaray dalka Uganda, oo aan horey loo ogeyn, ayaa waxaa 1-dii Febraayo shaaca ka qaaday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa xilligaas sheegay in Soomaaliya ay dhowr toddobaad kahor ay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ayaa ciidanka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorsheeyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari.

“Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu yiri la-taliyaha dhinaca amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali.