Donald Trump oo shaaciyey in Talaadada xabsi la dhigayo

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo “in la xiro” Talaadada, sababo la xiriira lacag la tuhunsan yahay inuu siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata kahor doorashadii 2016.

Trump ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay dibad-baxaan si ay u difaacaan.

Isaga oo soo xiganaya “xog” uu ka helay xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan ee New York, ayuu Trump wuxuu maanta kusoo qoray barta Truth, “Musharaxa hoggaaminaya Jamhuuriga iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa la xiri doonaa Talaadada toddobaadka dambe. Dibad-baxa oo dalkiina dib usoo ceshada.”

Baaritaanka lagu hayo Trump ayaa waxaa xuddun u ah lacag $130,000 ah oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 uu siiyey Stormy Daniels, oo magaceeda dhabta uu yahay Stephanie Clifford, si aysan u shaacin xiriir ay sanado kahor la lehyd Trump.

Qorshaha dacwad-oogayaasha 

Dacwad-oogayaasha ayaa ka tashanaya inay Trump kusoo oogaan dacwado ku saabsan kiiskaas, waxaana la hadal hayaa inay u badan tahay inay dacwad kusoo oogaan.

Haddii xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan uu dacwad kusoo oogo Trump, 76 jirkan ayaa noqon doona madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dambi lagu soo oogo.

Tani waxay sidoo kale meesha ka saari kartaa damaciisa ah inuu u tartamo magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024.

Qareenka Trump ayaa habeenkii Jimcaha wuxuu taleefishinka CNBC u sheegay in madaxweynihii hore uu is-dhiibi doono si uu u wajaho dacwadaha dambi, haddii ay kusoo oogaan xeer beegtida Manhattan.

Trump waa uu beeniyey inuu xiriir la lahaa Daniels, wuxuuna baaritaanka ugu yeeray mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Qoraalka uu maanta soo dhigay barta Truth, Trump wuxuu ku macneeyey “dusin ka timid xafiiska sharci-darrada iyo musuqa ah ee xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan.”

Daniels ayaa Arbacadii la kulantay dacwad-oogayaasha, waxayna “ogolaatay inay marqaati-fur sameyso haddii loo baahdo baaritaan dheeri ah,” sida uu sheegay qareenkeeda Charles Brewster.

Casuumad marqaati-fur

Bishan horraanteeda, Trump ayaa waxaa fursad loo siiyey inuu kahor marqaati furo kooxda xeer-liaaliye Alvin Bragg, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu diido, si uu uga fogaado inuu dambi is geliyo.

Khubarada ayaa sheegaya in casuumadda marqaati-fur ay astaan u tahay in Trump dacwad lagu soo oogi doono.

Talaadadii, qareenkii hore ee Trump balse markii dambe cadowgiisa noqday Michael Cohen ayaa ka-hor marqaati furay xeer-beegtida New York. Lacagta la siiyey Daniels ayaa waxaa bixiyey Cohen, oo sheegay in markii dambe dib loogu soo celiyey.

Lacagta ayaan haddii si sharci ah loogu darin xisaabaadka, waxaa ka dhalan kara dambi la xiriira ka been-sheegidda diiwaan-ka ganacsiga.

Waxaa sidoo kale ka dhalan kara dambi, haddii xisaab ka been-sheegidda looga dan lahaa in lagu qariyo dambi labaad oo ah ku xadgudub ka dhan ah xeerka maal-gelinta ololaha doorashada.

Trump ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo isugu jira heer gobol iyo heer federaal, kuwaasi oo isugu jira khaladaad uu sameeyey intii uu madaxweynaha ahaa iyo inta aanu noqon ka horba.