Daawo: R/Wasaare ROOBLE oo durba lagu eedeeyey awood sheegasho ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo shantii maalmood ee u dambeysay NISA u xirnaa ayaa markii markii lasii daayey kadib, waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabkii loo soo qabtay iyo cidda soo xirtay.

Weriyaha ayaa sheegay in xilli saq dhexe ah ay guriga ku soo jebiyeen rag dhar cad ah oo bastoolado ku buheysnaa, kana tirsan NISA iyo kuwo milateri ah oo ka socday xafiiska raiisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

“Arrinta ugu daran waxay tahay in xilli saqdhexe ah guriga la igu soo jebshay, kadibna ay gudaha ii soo galeen rag hubeysan oo bastoolado ku hubeysan iyo kuwo milateri ah oo ka socday xafiiska ra’iisil wasaare Rooble,” ayuu yiri Weriye Cabdullahi Kulmiye.

Waxa uu sheegay inta aysan guriga jebin inay soo gargaraaceen, markii uu la hadlayna ay u sheegeen in banaanka ay ku sugayaan weriyeyaal kale, balse uu ka diiday.

“Mar kale ayey igu yiraahdeen baaritaan guud ayaa socda ee albaabka fur, waxaan ku iri waa xilli dhexe, wixii baaritaan ah subixii hanoo ahaadeen, gurigeyguna waxa uu ku yaalla meel aan ka fogeyn madaxtooyada, kadib guriga waa soo jebiyeen, markii aan arkay inay hubeysanyihiin, waan raacay anigoo diidaaya in buuq dhaco, maadaama caruur iyo hooyo ay jiifeen, xilli dhexana ay aheyd,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in ciidamada xilligaas guriga ku jebiyey Weriyaha ay ka mid ahaayeen ilaalada ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, sida uu sheegay Cabdullahi Kulmiye, taasi oo horey aan loo ogeyn.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa haddii sax tahay eedeynta Cabdullaahi Kulmiye, waxay la macno tahay in durba uu ku dhaqaaqay mid ka mid ah ficillada sharci-darrada ah ee mar kasta lagu eedeeyo dowladda.

Magacaabistiisii kadib, Rooble ayaa lagu hanweynaa in siyaasadda dalka uu si degan u maareeyo xilligan kala guurka ah, oo kamid ah marxaladaha ugu adag ee dalka soo wajaha, afartii sanaba mar.

Hadii ciidamo ka tirsan ilaalada xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ay xilligaas sifo aan sharci aheyn Weriyaha ugala baxeen hoygiisa, taasi waxay cabsi ku abuureysaa siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka kale ee xukuumadda Rooble ka aragtida duwan, kuwaas oo ay macquul tahay in loo awood sheegto, iyadoo laga faa’iideysanayo waqtigan kala guur ah ee dalku galay.

Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo in ka badan 20 sano ku jira shaqada Saxaafadda, ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa caruur 8 ah oo ay hooyadood geeriyootay, waxaana habeen saqdi dhexe loogu galay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hoos ka Daawo wareysiga