Nin Shiinees ah oo amray dilka 4 qof oo Soomaali ah oo sanado kadib la qabtay

Taipei (Caasimada Online) – Xukuumada Taiwan ayaa dacwad xasaasi ah ku oogtay Kabtan u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo sideed sanno ka hor amray toogashada afar qof oo looga shakiyay burcad badeednimo, isla markaana ahaa Soomaali.

Kiiska dhacdadan ayaa waxa banaanka keenay muuqaalo 2014-kii laga helay Telefoon looga dhex tagay Taksi dadweyne, kaasi oo muujinayey ragga la dilay oo dul sabeynaya biyaha Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa muuqaalkaasi laga arki karayey qaar ka mid ah raggaasi oo xajisanaya qashin, kadib markii 40 xabadood oo rasaas ah lagu soo ridayay, iyada oo la maqli karayey Nin amar ku bixinaya toogashadaasi oo lagu sheegay inuu yahay kabtanka, sida uu baahiyay wargeyska Independent.

Wang Fengyu, oo ah Kabtanka loo haysto dhacdadan ayaa lasoo warinayaa inuu qirtay inuu amar ku bixiyay ilaaladiisa inay toogtaan raggaasi, maadama uu ku dooday inay soo weerareen

Toogashada ka hor burcad badeedda la sheegay ayaa toogtay doonida kalluumeysi ee Kabtanka iyo seddex kale, sida laga soo warinayo kabtanka.

Waxaana muddo sideed sanno kadib ah ay ciidamada Taiwan gacanta kusoo dhigeen kabtanka ku eedeysan kiiskan, xili markabkiisa uu ku xirtay dekedda Kaohsiung ee Taiwan.

Wang wuxuu wajahi doona haddii dambi lagu helo ku dhawaad xabsi 10-sano ah ama ka badan, iyada oo lagu taliyay in xukunka intaas looga khafiifiyo, maadama lasoo warinayo in burcad badeedku ay ugu horeyntii weerareen.

Arrintan ayaa hay’addaha xuquuqdu ku tilmaameen sharci darada badda ka jirta, maadama muddo 8-sanno ah aysan cadaalad helin shaqsiyaadkaasi la toogtay, iyada oo falanqeeyayaasha qaarkoodna ku macneeyen inuu kiiskan dib usoo nooleystiisu qeyb ka yahay xiisada Taiwan iyo Shiinaha.