Jufo ka tirsan Mareexaan oo ka hor-timid habkii loo qeybiyey golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Cabdicasiis Beyle oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka soo jeedo gobalka Gedo, sidoo kalane ah Suldaanka Beesha Mareexaan, ayaa ka hadlay musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyay xubnihii ay ku lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Suldaan Beyle ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in laba xubnood oo ay Mareexaan ku lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya laga soo xulay jufada uu ka soo jeedo madaxweynaha, taasina ay tahay caddaalad darro.

Axmed Xuseen Aadan, oo loo yaqaano Dr. Gurey, islamarkaana u dhashay jufada reer Garaad ee Mareexaan ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, halka Balal Maxamed Cusmaan, oo ah Mareexaan Reer Diini loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Beesha Mariixaan oo ka kooban jufooyin kala duwan xubnaha wasiirada ah laga soo xulay jufada Madaxweynaha oo kaliya, taas oo ka hor imaaneysa nidaamka awood qeybsiga beelaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee u gaarka beesha gudaheeda, sida uu sheegay Suldaanka.

“In dhammaan xubnaha beesha Mareexaan laga soo xulo jufada madaxweyne Farmaajo sax ma ahan mana ogolaan doono,” ayuu yiri Suldaan Beyle oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Hoos ka dhageyso codka Suldaanka