Xarunta Gobalka Banaadir oo korantadii laga jartay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ayaa muddo saacado ah Korantada ka jartay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii la siin waayay lacag kumanaan kun oo dollar ah oo lagu soo dalacay gobalka Banaadir.

Caasimada Online ayaa ogaatay in gelinkii dambe 20-kii bishaan ilaa galabkii 21-kii ay koronto la’aan aheyd Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana lagu guuleystay in la soo daayo Maqribkii Arbacadii.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in lacago badan oo is gaaray lagu yeeshay dowladda hoose ee Xamar, islamarkaana ay ka caga-jiideen bixinta lacagta, taas oo sababtay in adeegii Korontada laga jarto.

“Muddo lama bixin lacagta waxeyna gashay isku tuur tuur iyo caga-jiid badan, sababtaas ayaa keentay in aan jarno muddo kooban laakiin markii dambe waa laga heshiiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadda jaratay Korontada.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in muddo saacado ah laga jartay Korontada waxeyna arrintaas gobalka ka dhax-abuurtay buuq badan.

“Muddo kooban ayaa la jartay korontada waana sax, waxaa daahday lacag bixinta waana ogtahay xarunta dhismo ayaa ka socdo aadna looguma shaqeeyo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online.

Hore ayaa aqalka dowladda Hoose ee Xamar looga jartay biyaha muddo Isbuuc ah, waxaana xarunta gobalka laga soo sheegaya maamul xumo xoog leh oo ka jirta xafiisyada iyo shaqada guud.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo uu dalka ka maqan yahay duqa Muqdisho Cumar Filish oo arrimo caafimaad u jooga Turkiga.