Xog: Kulan dhex-maray Shariif iyo Kheyre oo arrin aan la fileyn lagu soo qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay galab magaalada Nairobi ee dalka Kenya markoodii ugu horeysay kulan albaabadu u xiranyihiin ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra‘iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Shariif iyo Kheyre ayaa baduba ah musharaxiin sanadkan u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankoodii galabta ku wehliyey xubno kale oo u badan xildhibaanno.

Kulankaas intiisa badan waxaa looga wada-hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Intii uu socday kulankaas Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif uga garaabay waxyaabaha uu ka tirsanayo xukuumadiisii, ee dhacay intii uu xilka hayey.

Dad ku dhow Shariif ayaa Caasimada Online u sheegay in lama filaan ku noqotay in Kheyre hadda ka garaabay qaladaad dhacay intii uu xilka hayey, balse markaas uu ku dhiiran waayey inuu ka hadlo amaba ka hortago.

Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday dhowr arrimood oo ay ka mid tahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta iyo in si dhow la isaga war-qabo.

Sidoo kale xogta aan ka helnay kulanka Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre waxay sheegeysaa in labada masuul ay ku balameen kulamo kale iyo maalmaha soo socda la bilaabo isbaheysi siyaasadeed.

Waxaa hadda magaalada Nairobi ka socda iskaashi siyaasadeed kii ugu adkaa oo lagu wajaho doorashada soo socota ee madaxtinimada Soomaaliya. Waxaana ku sugan xubno miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.