Daawo: Rooble oo bixiyey wareysigii ugu horreeyey iyo arrimo xasaasi ah oo wax laga weydiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wareysigiisii ugu horeeyey bixiyey intii uu hayey xilkan, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada Soomaaliya ee xukuumadiisa loo xil saaray inay u hir-geliso sidii loogu heshiiyey.

Rooble oo wareysigan siiyey TV-ga Shabelle ayaa sheegay inay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana uu si adag ula dagaalami doono musuq maasuqa.

“Guddiyada doorashada waxaa lagu soo xulay kartida iyo aqoontooda, waxaan maqlay ciidan ayaa ku jira, waxaan idiin hayaa siifiiyadooda dadka aan soo xulanay hal qof oo hey’ad ka tirsan kuma jirto,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay inuu ka diiday dad ku yiri guddiyada intaan iigu dar, isla markaana uu soo xushay xubno dhaxdhaxaad ah.

“Walaalaheyga musharaxiinta ah, waxaan leeyahay ma jirto cid idinka boobi karta doorashada, anigaa idiin jooga, igu kalsoonaada, gudiyadaana waa kuwo farsamo oo kaliya ee wax ma dooranayaan, marka cabsida ha iska daayeen walaalahey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in markiisii hore uu aaminsanaa in dadka mudan inay qabtaan talada dalka ay cirooleyaasha yihiin, balse hadda uu qabo in dhalinyaradu ay muhiim u tahay dib u dhiska dalka iyo dowladnimadiisa.

“Waxaan rabaa dhalinyada Soomaaliyeed inay maanta tashadaan oo dalkan badbaadiyaan, markaan banaanka joogay, waxaan qabay in ciroole talada loo dhiibo, balse maanta waxaan ogaaday fursadan inay tahay tii dhalinyaradu dalka ku badbaadi lahaayeen,” ayuu yiri.

Mar kuu soo hadal qaaday arrimaha Somaliland, waxa uu sheegay in raali gelintii Farmaajo u diray mid kasii badan uu u dirayo, mudada yar ee uu talada hayana ay uga tanaasuli doonaan wax kasta oo ay ku qancayaan.

“Arrinta Somaliland wax badan ayaan ka qaban karaa, oo ay ka mid tahay in wadahadalladii dib loo furo, aniga shakhsi ahaan inaan u tanaasulo, waxkasta oo tabasho ah oo ay ii soo sheegtaan inaan ka xaliyo ayaan diyaar u ahay, wadahadalladii Jabuuti ka bilaawdana waan sii wadayaa,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Hankiisa siyaasadeed mar wax laga weydiiyey, waxa uu sheegay in hanka ku jira uu ka weynyahay xilkan uu hayo, balse hadda uusan isu soo sharixi doonin madaxweyne, maadaama ay maareyn ka rabto doorashada soo socota, dhex dhexaadnimana looga baahanyahay, isagoo balan qaaday inuu ilaali doono dhex-dhexaadnimada.

Hoos Ka Daawo